in ka badan 15 Milyan oo Kenyaan ah ayaa codeeyay doorashada guud ee Kenya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinnimada.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada (IEBC) Wafula Chebukati ayaa khamiistii meesha ka saaray hadallada Raila Odinga iyo Nasa ee ahaa in uu isaga guuleystay, isaga oo intaa raaciyay in dastuurka uu dhigayo hal jiho oo xaq u leh in ay natiijada ku dhawaaqdo taas oo ah IEBC.
Codadka illaa hadda la tiriyay waxaa in ka badan 53% leh madaxweynaha hadda Uhuru Kenyatta halka Raila oo ku soo xiga uu helay 44.53, farqiga u dhaxeeya labada nin waa mid aad u badan, taasi oo aan horay loo fileyn.




From the comments