Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in hub ay ku wareejiyeen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur sidoo kalena ay ciidan u geeyeen si ay uga difaacaan Al-shabaab.
Afhayeenka maamulkaan Nuuradiin Yuusuf Abukar oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa K/galbeed ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Abal ee lagu dagaallamay.
Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in ciidamadan Abal gaaray ay lasii dagaallami doonaan Al-shabaab, ayna tagi doonaan deegaanno hor leh, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments