Wasiirka amniga maamulka K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka barbar dagaallami doonaan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weeraro kala kulmaya Al-shabaab.
Wasiirka oo hoggaaminayey saraakiil ciidan oo tagay meel ku dhow deegaanka Abal oo ay ku sugan dagaalyahannada Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ciidanka K/galbeed ay taageeri doonaan Sheekh Roobow.
Dhanka kale, wasiir Xasan ayaa tilmaamay in maamulka K/galbeed uu mar walbo diyaar u yahay inuu muujiyo garab istaagga Mukhtaar Roobow maadaama uu weeraro kala kulmayo Al-shabaab.




From the comments