Guddiga qaranka xuquuqul insaanka Kenya ayaa sheegay 24 qof ay dileen ciidamada ciidamada booliska tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha lagu diidanaa in Kenyatta uu ku soo baxo doorashada madaxtinimo.
Mas’uuliyiin ka tirsan gudiga xuquuqul insaanka Kenya oo la hadlay wakaaladda wararka Ap ayaa waxay sheegeen tan iyo talaadadii la soo dhaafay, in lagu dilay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya dad gaaraya 17 qof, halka kuwa kalena lagu dilay gobollo kala duwan ee ka tirsan dalka.
Rabshadaha ka dhacay Kenya ayaa waxaa sal u aha markii Odinga oo hogaaminayay xisbiga mucaaradka uu sheegay in doorashada lamar habaabiyay.




From the comments