U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaanno Diyaariyey Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweynaha Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in mooshin ay ka diyaariyeen madaxweynahooda Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xilhibaan Cumar Maxamed oo kamid ah xubnaha wada mooshinkaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in Cosoble uu ku xadgudbay Dastuurka u yaalla maamulkaasi.

Wuxuu sheegay sidoo kale in madaxweynaha Hirshabelle uu kaligiis go’aan gaaro oo aanu la tashi la sameyn baarlamaanka maamulkaasi.

“Xildhibaannada Hirshabelle waxay diyaariyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo saxiixiisa ayaa hadaba socda, guddoonka baarlamaanka ayaa loo geynaa…sababo badan ayaa jirta sababtoo ah madaxweynaha waxyaabaha lagu eedeynayo waxaa kamid ah shaqo gudasho la’aaan iyo xadgudub Dastuurka ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Marar badan xildhibaanno ka tirsan Hirshabelle oo mooshin ka diyaariyey madaxweynaha maamulkaasi ayaa dib ula laabtay kadib wadahadallo ay la galeen, balse lama oga sida ay hadda wax ku dambeyn doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News