Goobjoog

Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Pakistan

Qarax ka dhacay Pakistan waxaa ku dhintay 15 qof,halka ay ku dhaawacmeen 32 kale,qaraxaan oo ka dhacay gobolka Balochistan. Qaraxaan waxaa uu ka dhacay meel laga raaco basaska oo ku…

Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Pakistan

Qarax ka dhacay Pakistan waxaa ku dhintay 15 qof,halka ay ku dhaawacmeen 32 kale,qaraxaan oo ka dhacay gobolka  Balochistan.

Qaraxaan waxaa uu ka dhacay meel laga raaco basaska oo ku taallo magaalada Quetta ee gobolka Balochistan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Pakistan ayaa waxaa uu sheegay in weerarkaan lala beegsaday kolonyo ciidan ah,waxaana loo adeegsaday waxyaabaha qarxa taasi oo keentay in ay gubtaan tiro baabuur ah.

Mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka Daacish oo ka dagaallama gobollo badan oo ku yaallo dalkaasi.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments