Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, dhalinyaro iyo martisharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dalkan uu Mustaqbal leeyahay oo dhalinyaraduna ay yihiin milkiilayaasha dalka bacdamaa ay 75% bulshada Soomaaliyeed ay yihiin Dhalinyaro. Dhalinyaradana laga rabi inay dariiqa saxda ah bulshada ku hoggaamiyaan.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaa la soo dhaafay waqtigii aad abuuri laheydeen mirihii aad beeran laheydeen mustaqbalka. Madaxda Qaranka waxey diyaar u tahay inaad doorkiina hoggaamineed qaadataan. Waa dhammaatay waqtigii aad dhexdhexaad noqon laheydeen, mana ka noqon kartiin dhexdhexaad hooyadiin oo dhibaateysan, dhalinyaradii ay baaagamuundo yihiih. Ma noqon kartaan dhexdhexaad oo dalkaaga iyo gurigaaga waa mustaqbalkaaga.”





From the comments