Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta oo Axad ah waxa uu hortagay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka maanta waxaa shir guddoominayey, guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xildhibaannada golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.
Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee maanta ayaa ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda iyadoo xildhibaannadu ay su’aallo weydiiyeen wasiir Garaad.




From the comments