Taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM ayaa ku amray ciidanka uu taliyaha u yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo uga digey in dhibaato ay u geystaan shacabka.
Rex Dundun, ayaa sheegay in ciidamada Booliiska AMISOM laga doonayo in ay ka shaqeeyaan nabadda Soomaaliya, ayna ka fogaadaan wax walbo oo dhibaya shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay in aan loo dulqaadan doonin dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna askarta u sheegay in waxa ay u shaqeynayaan oo ay amnigooda sugayaan yihiin dadkaasi shacabka ah.




From the comments