Ciraaq: Askar Ka Dhimatay Mareykanka
Sheeko:Dalka

Ciidamada Mareykanka ah ayaa waxay sheegeen in labo askari oo Mareykan ah lagu dilay dalka Ciraaq shan kalana lagu dhaawacay, laakin dadka ay dhibaatada soo gaartay uma geysan cadawga, ayaa intaas lagu daray.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in wali ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinay in ciidamadaan ay dagaal la galeen ururka Daacish.
Ciidamadaan ayaa qeyb ka ahaa isbaheysiga caalamiga ah oo uu hogaaminayo Mareykanka, kuwaas oo dagaal kala soo horjeeda ururka Daacish.
Goobjoog News