Ciidamada Maamulka Jubbaland oo ay wehlinayeen AMISOM iyo saraakiil la sheegay iney Maraykan ahaayeen ayaa weerar waxay kala kulmeen dagaalyahanno Al-shabaab ah, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Ciidamadan oo marayey meel ku dhow deegaanka Buulo Gaduud ayaa la sheegay in weerar ay kala kulmeen Xarakada Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan Saacad.
Lama soo sheegin illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in ciidanka iyo saraakiisha la weeraray ay halkaasi sahan ciidan ku aadeen.




From the comments