Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay weerar ay ku qaadeen kooxo hubeysan maqaayad iyo hotel ku yaallo Ouagadougou ee caasimadda Burkina Faso sida ay sheegeen ilo dowladeed.
Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in saddex nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen dad macaamiil ahaa oo fadhiyay maqaayadda.
Warbixinnada ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka iyo kooxihii weerarka soo qaaday ay isweydaarsadeen rasaas waxaana la maqlayay codka rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac.




From the comments