Cali C/laahi Cosoble, oo shalay xildhibaanno kamid ah baarlamaanka Hirshabelle ka qaaden xilka madaxweynenimo ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Cosoble oo ay wehlinayaan wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa hadda waxay kulan ku leeyihiin madaxtooyada Jowhar, waxaana ay ka hadlayaan arrinta la xiriirta xil ka qaadistiisa.
Dhanka kale, waxaa maanta magaalada Jowhar ku laabtay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Maxamed Barre, waxaana lagu soo dhoweeyay garoonka degmadaasi.




From the comments