U bood dhigaalka

Sawirro: Roob Ka Da’ay Muqdisho Oo Biyo Dhigay Waddooyin Muhiim Ah

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa saakay illaa xalay saq dhexe ka da’ayay roob si xiriir ah u socday, kaasi oo biyo dhigay waddooyin badan oo magaalada ah.

Roobkan ayaa ka hooray waddooyinkii dhowaan dib loo dhisay sida wadnada iyo Makka Al-mukarrama, hase ahaatee wuxuu galay xaafado badan oo ku dhow waddooyinkaasi.

Waxaa la arkayaa biyo badan oo ay fariisteen xaafado kamid ah X/weyne, Hodon Howlwadaag iyo Waaberi.

Sidoo kale waxay biyo badan fariisteen wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde iyo sidoo kale Isgoyska KM-4.

Roobka da’ay wuxuu saameeyay dadka barakacayaasha ah maadaama guryaha ay degan yihiin aanay celin biyaha.

Goobjoog News

003 002 001