Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobolka NFD ayaa waxay sheegayaan in qarax ka dhacay duleedka magaalasaasi uu sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamo Kenya ah.
Gaari ay la socdeen ciidamadan ayaa la tilmaamay iney haleeshay Miino, waxaana halkaasi ku dhintey Shan Askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen Labo kale.
Ciidamadan qaraxa lala eegtay ayaa halkaasi ka waday howlo roondo ah oo ammaanka lagu sugayey.




From the comments