Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle islamarkaana taageersan madaxweynihii xilka laga qaadey ee maamulkaasi ayaa kulan ay ku yeesheen madaxtooyada Jowhar waxay ku doorteen guddoomiye cusub oo baarlamaan, waxayna sheegeen in xilka ay ka qaadeen guddoomiye Cismaan Barre Maxamed.
Kulankaan oo dhacay xalay ayaa waxaa soo xaadirtay sida ay sheegeen 54 mudane, waxaana ay marka hore sheegeen in kalsoonida ay kala laabteen guddoomiye Cismaan.
52 mudane ayeey sheegeen iney u codeeyeen in xilka laga qaado guddoomiyaha, sidoo kalena waxay tilmaameen in Labo mudane ay ka aamustay.




From the comments