Guddoomiyaha midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa dowladaha caalamka ugu baaqay in kaalmooyin la gaarssiyo dalka Sierra Leone si looga hortago dhibaatooyinka ay geysteen fatahaadaha ku dhuftay waddankaas, waxaana illaa iyo hadda u geeriyooday fatahaadahaan dad ka badan 300 oo qof.
Mas’uuliyiinta dalka Sierra Leone ayaa waxay sheegeen in fatahaadaha ay ku dhinteen dad gaaraya 312,kuwaas oo sababay roobab badan oo Isniintii la soo dhaafay ka da,ay Sierra Leone.
Meelo badan oo ka tirsan caasimadda dalkaas ayaa waxaa ka jira saboolnimo ku aaday shabakadaha celiya biyaha,taasi oo keentay in ay fatahaad timaado xilliyada roobka.




From the comments