Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo dib-u- habeyn ballaaran lagu sameeyey, isagoo kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay, isla markaana la dar-daarmay shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqaalaheeda iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.
‘’Waa inaan u wada guntanaa dhamaanteen dhismaha dalkeena sida maanta idiin muuqata, waxaan xariga ka jarnay Wasaaraddii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii ay lahayd”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.





From the comments