Waxaa magaalada San Diego, California ee dalka Maraykanka ku geeriyoodey wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre.
Taariikh Nololeedka: Cabdiraxmaan Jaamac Barre:
Cabdiraxmaan Jaamac Barre, waxaa uu ku dhashay Luuq sanadkii 1937.
Waxbarasho:
Waxaa uu dugsi hoose ku qaatay: Macalin Jaamac
Dugsi dhexe waxaa uu ka dhigtay: Majestrale
1962: Talyaaniga ayuu ka soo dhigtay Cilmiga Siyaasadda ee Jaamacadda Padua
Shaqo:
Intaasi kadib, markii uu dalka ku soo noqdey, waxaa uu ku biiray wasaaradda arimaha dibadda isagoo qabsaday qeybta dhaqaalaha
1972: Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda
July 1976-1987: Wasiirka arrimaha dibadda
1987-1989: Wasiirka Maaliyadda.
1989: Wasiirka Arimaha Dibadda
1990: Wasiirka Maaliyadda.
1991: Burburkii kadib, waxaa uu ku noolaa dalka Mareykanka
2004: Shirkii Kenya, waxaa uu u tartamay jagada madaxtinnimada Soomaaliya, wareegga 1aad ayuu ku haray isaga oo helay 18(6.59%).
Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaa uu guursaday xaasas badan, waxaa uu dhalay 15, waxaa uu xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Goobjoog News,
Xogtan, Lama qaadan karo, Xigasho La’aan
From the comments