Goobjoog

Xiisadda Hirshabeelle: Baarlamaanka Oo Dhisay Guddiga Doorashada Madaxweynaha

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta dhisay illaa 7 xubin oo mas’uul ka noqon doona doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo iney dhacdo muddo bil gudaheed ah. Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa…

Xiisadda Hirshabeelle: Baarlamaanka Oo Dhisay Guddiga Doorashada Madaxweynaha

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta dhisay illaa 7 xubin oo mas’uul ka noqon doona doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo iney dhacdo muddo bil gudaheed ah.

Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in go’aankaasi lagu qaatey  kulan uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre, waxaan sidoo kale goobjoog ka ahaa labadiisa ku xigeen.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Cali Cosoble, waxaa uu joogaa Jowhar isaga oo weli sheeganaya in uu yahay madaxweynaha maamulka.

Wararkan iyo guud ahaan xiisadda, Kala soco, Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments