Dowladda federaalka waxaa ku adag inay lasoo wareegto maxaabiista burcad badeednimada ugu xiran caalamka iyadoo dowladdu aysan lahayn sharciga burcad badeedda ee la yiraahdo (Piracy Low).
Agaasimihii hore ee la dagaallanka burcad badeedda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir Duceysane ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News, ku sheegay in la’aanta sharcigaasi dowladdu aysan xaq u lahayn in ay la soo wareegto maxaabiista burcad badeednimada loogu heysto dalal adduunka kamid ah.
Waxaa uu tilmaamay in Piracy Low-ga haddii aynaan dowladdu lahayn aan loo fasixi karin inay maxaabiisteeda la wareegto ayna haboon tahay in sharcigani dalka laga dhaqan geliyo.




From the comments