Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay iney muhiim tahay tirakoob lagu sameeyo qoysaska abaaruhu saameeyeen, kahor inta aysan soo gaarin Galmudug gargaar loogu talogalay in lagu caawiyo kumanaanka qoys ee abaartu ku saameysay gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in si loo kala ogaado dadka abaarta ku xoolo beelay iyo kuwa colaadda uga soo cararay deegaannada ay ku noolaayeen in lagama maarmaan ay tahay helitaanka tirakoob lagu sameeyo bulshada kuwooda liita ee gargaarka u baahan.
Xaaf ayaa sidoo kale sheegay in dadka taakuleynta u baahan ee ku nool Galmudug in ay isugu jiraan kuwo abaarta ku xoolo beelay iyo qoysas colaad uga soo cararay deegaannadii ay ku noolaayeen sida Xeraalle oo kale oo dhowaan ay ka dhaceen dagaalklo, welina dadkii ku noolaa bannaanka ay ka joogaan.




From the comments