Wasiirka Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknology-da Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa maanta waxaa uu Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka hor dhigay aqalka sare.
Kulanka maanta aqalka sare, waxaa soo xaadiray 36 Xildhibaan oo golaha ka tirsan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, waxaa kaloo joogay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) iyo guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mowliid Xuseen Guhaad.
Wasiirka Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknology-da Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa Xildhibaannada aqalka sare u akhriyay hindisaha, isaga oo sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda sharciga u leeyahaya qaranka, waxaa uu sidoo kale codsaday in xildhibaannada iyaga oo tixgelinaya arrimaha uu xusay ay ansixiyaan.




From the comments