Koonfurta Suudaan: 35 Tarhiibayaal Soomaali Ah Oo Safaaradda u La’dahay Lacagtii Lagu Soo Celin Lahaa

35 Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xiran magaalada Jubba, Koonfurta Suudaan ayaa sugaya in dowladda federaalka ah u fududeyso Ticket iyo duulimaad lacag la’aan ah.
Tahriibayaashan oo u socdey dalka Libya , ciidamada Koonfurta Suudaan ayaa ka qabtay xadka dalkaasi yar uu la wadaago Suudaan, muddo kadib waxaa loo soo gacan geliyay Safaaradda Soomaalida ee Koonfurta Suudaan halkaas oo iminka ay joogaan.
35-tan Soomaalida ah waa 25 rag ah iyo 10 haween ah, midkiiba $100 ayaa ku baxdey si loo keeno Jubba, sidaasi waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay Safiirka Soomaalida ee Koonfurta Suudaan Xuseen Xaaji Axmed, lacagtaasi waxaa bixiyay ganacsatada Soomaalida ee Jubba ayuu intaasi raaciyay.
Warar arrinkan la xiriira: Magafeyaashii Laga Soo Qabtay Koonfurta Suudaan Oo Laga Sii Daayey Xabsiyada Muqdisho
Safiirka oo aanu weydiiney tillaabada xigta waxaa uu sheegay in labo midkood noqon doonto “ In dowladda federaalka ah ay ka bixiso lacagta lagu keeni lahaa dalka ama in eheladooda ay bixiyaan”
Illaa 100 kale oo Soomaali ah ayey sheegeen Booliiska Koonfurta Suudaan in ay ku jiraan meelo muqalasiinta ku qariyaan dadka oo u dhaxeysa labada Suudaan, arrintaas oo lagu daba jiro.
Arrintan waxaa ay imaaneysaa iyada oo dowladda federaalka ah ay xabsiyada Muqdisho ka sii deysay 5 magafayaal oo dowladda Koonfurta Suudaan u soo gacan gelisay, dadkaasi waxaa ay qaab muqalisnimada Soomaalida ugu tahriibin jireen dalalka Uganda, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Libya.
Goobjoog News