Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysnaa ay dileen nin shacab ah.
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabayey Cabdalla Saalim Sayid, wuxuuna ku shaqeysan jirey xirfadda Timo-jarista.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Horseed ee degmada Jowhar, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka ka ka dambeeyay.




From the comments