Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa magaalada Cadaado uga ka qeyb galay doorashada hogaanka ururada bulshada rayidka maamulkaasi
50 ruux oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka islamarkaana matalayey Degooyinka Galmudug ayaa cod qarsoodiya ku kala doortay ilaa 6 musharax oo usoo tartamay Gudoomiyaha iyo Labadiis ku xigeen .
Gabagabadii doorashada Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug iyo ku xigeenadiisa waxaa ku dhawaaqay najiitada caydiid maxamed cali oo ka mida xobnaha doorashadaan qaban qabiyey, Waxana Gudoomiye loo doortay Qadar Maxamed Faarax Halka Ku xigeenka 1-aad loo doortay Sagal Macdi Jamac Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ay ku guuleysatay Nuuriyo C/risaaq.





From the comments