Dowladda Federaalka Ah Oo Ogolaatay Shaqo Ka Ceyrinta Cali Cosoble
Sheeko:Dalka
Qoraal uu soo saarey wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ah Cabdi Faarax Saciid(Juxa) ayey dowladda federaalka ah ku ogolaatay go’aanka baarlamaanka Hirshabeelle ka gaareen madaxweynahii hore Cali Cosoble.
Dowladda waxaa ay sheegeysaa in ay go’aankan gaareen kadib markii ay guddi xaqiiqo raadin ah halkaasi u direen iyo iyaga oo ka cabsi qabo is jiid-jiid siyaasadeed.
Qoraalkan waxaa la adkeeyay in madaxweyne cusub la doorto muddo 30 cisho ah oo ka bilaabaneysa 14-ka bishan.