Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa saakay oo Axad ah waxa uu u ambaxay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Madaxweynaha oo casumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusii dhoweeyay mad’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Agaasimaha warfaaafinta Villa Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey safarka madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay inuu halkaasi kula kulmi doono dhiggiisa Masar, C/fitaax Al-sisi.




From the comments