Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka China u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr Qin Jain,waxayn ka wada hadlayn habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara China iyo Soomaaliya, iyo sidii labada wadan uga wada shaqeyn lahaayeen dhanka maalagashiga iyo Ganacsiga.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay booqashada Safiirka dalka China, sidoo kalena waxuu u mahad celiyay muwaadaniinta u dhashay dalka China, kuwaa soo dalxiis ku yimi Soomaaliya, si ay u arkaan quruxda iyo bilicdda dhulka Soomaaliyeed, isagoona taas ku macneeyay in dalka Soomaaliya uu hormuud u yahay wadamadda loo soo dalxiis tago ee qaaradda Africa.
“China iyo Soomaaliya waa labo dal oo xariir dheer leh si wanaagsana u wada macaamila, waxyna iska kaasahan doonaan dhanka ganacsiga iyo maalgashiga maadaama ay Soomaaliya markale ku soo laabatay saaxadda aduunka’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.





From the comments