Ciidamada Booliiska Jasiiradda Malta ayaa lagu soo waramayaa iney Xireen Labo nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku edeysan iney dambi ka galeen dalkaasi.
Howlgal ay ciidankaan sameeyeen ayaa lagu soo qabtay raggan, waxaana la sheegay iney ku eedeysan yihiin in fal xatooyo ah ay sameeyeen, lana baarayo.
Ragga la xirey ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Shaban Aadan Jaamac oo 21-sano jir ah iyo sidoo kale Maxamed Xabiib Xaashi oo isna 22-sano jira.




From the comments