Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka isgaarsiinta qaranka, waa markii ugu horeeyay ee taariikhda ee aqalka sare ansixiyo hindise sharciyeed ka yimid golaha wasiirrada.
Kulanka aqalka sare, waxaa soo xaadiray 40 Xildhibaan oo golaha ka tirsan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, waxaa kaloo joogay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) iyo guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mowliid Xuseen Guhaad.
Sharciga ayaa isla maanta maray akhrintiisii 2aad iyo 3aad, codeyn loo qaadey waxaa ogolaaday 39 mudane oo ka mid tirsan aqalka sare.




From the comments