Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya kaasi oo ahaa in Soddon cisho gudahood lagu soo doorto madaxweynihii hogaamin lahaa maamulkaasi
Nuur Xaashi oo kamid ah mudanaasha baarlamanka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, waxa u ku sheegay in dhankooda ay ka dhabeyn doonaan sidii ay usoo dadajin lahayeen doorashada madaxtimo maamulkaasi.
Dowladda ayuu sheegay in ay qaadatay go’aankii loo baahnaa, maadaama madaxweynihii Hirshabelle ay xilka ka qaadeen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ee markii horeba doortay waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments