Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, halkaas oo sii diirran uu ugu soo dhaweeyey Imaamka Mu’assasada Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib.
Sheekh Axmed Al-Dayib ayaa sheegay in Mu’assasada Azhar ay ku garab taagantahay Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo fikirka xagjirnimada ah.
Sheekha Al-azhar ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxaan Alle kaaga rajeynaynaa in uu ku waafajiyo waddada aad ku gaarsiin lahayd dadkaaga iyo dalkaaga xasillooni iyo horumar. Waxaan kuugu bishaaraynayaa in Azhar ay idinla garab taagantahy waxbarasho iyo wacyi gelin ku aaddan arrimaha diinta si loo dabar gooyo fikirka xagjirnimada.”





From the comments