Munaasabad lagu soo dhoweynayey madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaaajo, islamarkaana ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa ka dhacday magaalada Qaahira.
Munaasabaddan waxaa goob joog ka ahaa madaxweyinihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo safarka ku wehlinaya madaxweyne Farmaajo, iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, waxaana lagu qabtay xarunta Jaamacadda Al-azhar ee magaalada Qahira.
Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay ardayda iyo aqoonyahanna Soomaaliyeed ee ku nool Masar sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda.




From the comments