Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka waxay sheegayaan in marka hore Bambooyin lagu weeraray fariisimahan, hase ahaatee waxaa xigay dagaal yahanno hubeysan oo dagaal fool ka fool ah la galay ciidanka dowladda.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladan xalay ka dhacay Afgooye, hase ahaatee saraakiisha ciidanka dowladda ee degmadaasi waxay sheegayana iney iska caabiyeen Al-shabaab.




From the comments