Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in la bilaabo wejiga Labaad ee shirka dib u heshiinta ka socda Jowhar, kaasi oo lagu heshiisiinayo beelihii ku dagaallamay degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Wariyaha Goobjoog ee Sh/dhexe Cismaan Cabdalla, ayaa soo sheegaya in waxgaradka Labada dhinac oo ku sugan Jowhar ay sii amba qaadi doonaan waxyaabaha kale ee u yaalla.
Sidoo kale waxay waxgaradkan ka hadli doonaan khasaarihii ka dhashay iyo sida wax lagu xalin karo.




From the comments