Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuummadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar.
Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.




From the comments