Dhageyso: Nabadoon Sheegay In Puntland Ay u Taageertay Xulufada Sacuudiga Arrimo Dhaqaale
Sheeko:Dalka

Nabadoon C/raxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah waxgaradka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ku saxan tahay iney taageerto dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka, isaga oo faah faahiyey sababta arrintaasi keentay.
Waxa uu sheegay Nabadoonka in dowladda Imaaraadka ay mashaariic badan ka fulisay deegaannada Puntland, taasina ay keentay in ay jawaab uga dhigaan iney taageeraan.
Waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gadaal marsatay deeqaha iyo kaalmada ay ka hesho dalal badan oo caalamka sida Turkiga, iyaguna ay ku qasban yihiin iney taageeraan cid walbo oo wax siineysa, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Xiriirka Xulufada Sacuudiga ayuu sheegay in danweyn ay ku qabaan maamulka Puntland.
Halkaan hoose ka dhageyso
Goobjoog News