Guddiga xuduudaha iyo federaalka ayaa maanta maamulka Gobalka hiiraan kala hadli doono xuduuda ay la leeyihiin Gobalka galgaduud
Guddoomiye ku xigeenka gobolkaasi Xuseen Cismaan Cali ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in maanta guddiga ay kala xaajoon doonaan arrimaha xuduudaha, ayna jireen wadatashiyo badan oo dhanka shacabka ah.
Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in shalay ay wada qaateen kulan ballaaran maamulkooda, guddiga xuduudaha iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada, kulanka maantana uu noqon doono mid iyaga iyo guddigan oo kaliya u dhaxeeya.




From the comments