Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo ka amba baxay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kuna wajahnaa deegaanno hoostaga degmadaasi.
Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa ku geeriyootey halkaasi, waxaana dadka dhintey ku jirey wadihii gaarigaasi.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in wadaha gaariga uu ka madax adeegay inuu istaago isbaaro kooxdan ay halkaasi dhigatay.




From the comments