Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagey gelinkii danbe ee maanta Xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiir ku xigeenka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay askarigii isku dhigay qaraxii dhawaan ka dhacay xabsiga ee uu soo maleegay ruux naftii halige ah. Wuxuuna ku tilmaamay askarigii isku dhigay qaraxa inuu ahaa halyey ka baxay guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, lana ilaawi doonin.
“Waxaan Tacsi u dirayaa Ciidanka Asluubta iyo ehelkii uu ka baxay askarigii naftiisa u huray badbaadinta sharafka iyo karaamada ummada Soomaaliyeed. Askarigaas wuxuu na tusay macnaha ay leedahay qaranimadu, taas oo nagu dhiira-gelinaysa kuligeen inaan u istaagno difaaca dalkeena hooyo”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.





From the comments