Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Xuseen Cilmi, iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Nahida Hussein, Hastings, iyo Hassan Ebrahim oo ka kala socday UNDP Soomaaliya iyo UNSOM.
Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaradda wado iyo sidii UNDP ay u taageeri lahayd.
Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlayay hawlaha ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri “Waxa aan doneynaa in Geedi-socodka uu noqdo mid ay Soomaali hogaamineyso islamarkaana ay Soomaali leedahay, wixii taageera ah waan soo dhaweyneynaa waanan idinkaga mahadcelinaynaa sida aan kala go’a lahayn ee aad noo taageertaan”.




From the comments