Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose loogu geystay mid kamid ah nabadoonnada sida aadka looga yaqaannay degmadaasi.
Rag ku hubeysan bistoolado ayaa diley Nabadoon Duraan Maxamed Cali, xilli uu ku sugnaa Xaafadda Imbagaati ee degmada Afgooye, isaga oo kasoo baxay Masjid uu salaadda cishaha kusoo tukasho.
Raggii ka dambeeyay dilka nabadoonka ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen sida ay goob joogayaal inoo sheegay.




From the comments