Dowladda Qatar ayaa waxay dib ugu celisay Safiirkeeeda magaalada Dahraan ee caasimadda Iran si uu u qabsado hawlihiisa diblomaasiyadeed sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar.
Bayaanka ka soo baxay Qatar oo lagu faafiyay barta wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in Qatar ay dooneyso in ay xoojiso xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Iran.
Dowladda Iran ayaa horay Qatar waxay ugu dirtay shan diyaaradood oo wada cunto,ka dib markii ay ku dhawaaqeen qaar ka mid dowladaha Khaliijka oo ay ugu horreyso Sacuudiga taasi oo awoodda gobolka kula tartameyso Iran iney xiriirka u jareen Qatar,iyaga oo ku eedeeyay inay maalgaliso argigixisada.




From the comments