Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey qabanqaabada doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dhowaan ay magacaabi doonaan guddiga doorashada ee maamulkaasi.
Amniga ayuu sheegay in waxbadan ay iska bedali doonaan, islamarkaana mudada loogu talogalay doorashada ay ku dhici doonto.




From the comments