Xildhibaan Axmed Yuusuf Xasan oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Galmudug.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in deegaannada Galmudug ay weli ka taagan tahay abaarta, islamarkaana aanay jirin gurmad ku filan dadka oo loo geeyay.
“Abaarta ka jirta Galmudug weli waa sideedii, gobollada kale roob bay heleen, balse halkaan roob weli kama aanu di’in, xaaladda meel adag ayeey mareysaa, waxaana loo baahan yahay in dadkaan loo keeno gurmad degdeg ah” ayuu yiri xildhibaan Axmed.




From the comments