Taliska booliiska degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmadaasi iyo deegaanno kale oo gobolka ah.
Taliyaha saldhigga Booliiska Cadaado Cumar Macallin Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen Geel badan oo lasoo dhacay, islamarkaana ay sidoo kale lasoo qabteen raggii watey.
Sidoo kale waxa uu taliyaha sheegay in ciidamada ay soo qabteen 5 qof oo iyaguna ku eedeysan iney soo dhaceen Geel, islamarkaana qashay, balse ragga ay cadaaladda horgeyn doonaan.




From the comments