Dowladda Faderaalka Oo Wasiirrada Ku Caburineysa In Aaney La Hadlin Warbaahinta
Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ah Mahdi Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku amray wasiirrada dowladda federaalka ah in isticmaalka baraha bulshada, Idaacadaha iyo Telefishinada ay u baahan yihiin ogolaashiyo xafiiska ra’isul wasaaraha ah.
Ilo ku dhaw xafiiska ra’siul wasaaraha oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in qoraalka loo diray wasiirada balse aan lala wadaagin saxaafadda.