Goobjoog

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo La Doortay

Xildhibaannada baarlamaanka Somaliland ayaa maanta waxa ay doorteen guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulkaasi. Kulanka xildhibaannada waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaankaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray 71 mudane.…

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo La Doortay

Xildhibaannada baarlamaanka Somaliland ayaa maanta waxa ay doorteen guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee  baarlamaanka maamulkaasi.

Kulanka xildhibaannada waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaankaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray 71 mudane.

Kursigan waxaa ku tartamayay 3 musharrax oo kala ah Axmed Yaasiin Sheekh Cali, Xasan Muuse Hufan iyo Axmed Cabdi Kaahin.

50 mudane ayaa u codeysay Axmed Yaasiin oo sidaasi ku noqday guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Somaliland.

Kursigan ayaa faaruq noqday kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland loo doortay Baashe Cabdi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Koowaada.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments