Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, saakay oo Axad ah ayaa waxay sheegayaan in dib loo furay dhammaan xarumaha ganacsiga ee degmadaasi, kuwaasi oo maalintii shalay ahaa xirnaa.
Degmada Afgooye waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay dhigeen shacab ka carreysan dilkii rayidka loogu geystay deegaanka Bariire.
Dibadbaxaasi ayaa sababay in ay xirmaan dhammaan xarumihii ganacsiga iney xirmaan, iyadoo shalay oo dhan aanu degmada ka jirin wax ganacsi ah.




From the comments